Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay wado aad u mashquul badan oo ku taala bartamaha Magaaladda baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Qaraxaan ayaa ka dhacay  meel ku dhow Saldhiga Magaaladda Beledweyne, Sidoo kale waxaaa la xaqiijiyay in qarax kale la dhigay wadada hareeraheeda waxaana ciidamada booliska qeybta miino barista ku guuleeysteen in ay fashiliyaan oo ay kala furaan  .

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle,qaraxaan ayaan geysanin wax khasaare ah.

Gudoomiye Ku-xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan C/raxiin Maxamuud ayaa idaacadda Simba u sheegay in qaraxa uusan geysanin wax khasaara ah.

Dhanka kale Ilaa afar qof oo looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen qaraxaan ayey ciidamada booliska Magaaladda baladweyne kusoo qabteen howlgalo ay sameeyeen.

Ma Jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxan ka dhacay magaaladda Beledweyne ee Gobolka hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here