Nin Dhaawac ahaa oo Lagu Dilay Mid Kamid ah Isbitaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Nin dhaawac ahaa oo duhurnimadii maanta lagu dhex dilay isbitaalka Keysaney oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Isbitaalka,ninka la dilay ayaa kusoo dhaawacmay iska hor imaad ka dhacay  deegaanka Ceelka Cali-Geedi oo ku yaalla degmada Kaaraan,islamarkaana si dhaawac ahaan loo keenay isbitaalka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in kooxo hubeysnaa ay gudaha ibsitaalka soo galeyn islamarkaana ay halkaas ku dileen Bukaanka,sidoo kalana ay iska cabin kala kuleem ilaalada isbitaalka.

Ciidamadda amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa haatan gaaraya isbitaalka uu falkaan ka dhacay,waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo ragii ka dambeeyay falkaan.

Waa dhacdo Ugub ku ah Magaladda Muqdisho,inkastoo ay jireen dad dhaawacyo ah oo isbitaaladda lagala baxay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here