Askarta Kenya ayaa maanta oo arbaco ah shaaciyey in ay toddobo dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab ay ku dileen howlgal ay ka fuliyeen koonfurta Somalia.
“Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia ayaa weeraray goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al Shabaab oo ka tirsan deegaanka Taabta” waxaa Daily Nation oo kasoo baxa Kenya u sheegay afhayeenka ciidamada difaaca kenya oo lagu magacaabo Paul Njuguna.
Waxa uu afhayeenku sheegay in howlgalkaas ay ku dileen 7 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab islamarkaana ay tiro kale oo kamid ah dagaalyahannada Al Shabaab ay dhaawacyo kasoo gaareen weerarkaas.
Paul Njuguna ayaa sheegay in dhankooda uu soo gaaray khasaaro ah dhaawaca labo askari islamarkaana uusan jirin khasaaro badan oo dhankooda ah.
Afhayeenka ciidamada difaaca kenya Paul Njuguna ayaa sidoo kale sheegay in Askarta Kenya ay dagaalyahanada Al Shabaab kala wareegeen saanad military oo ka kooban 9 qori oo AK47 ah, tiro bambaanooyinka gacanta laga tuuro ah iyo rasaas.
Dowladda Kenya ayaa la kulantay weeraro badan oo ay Al Shabab ka fuliyeen gudaha Kenya waxaana weeraradaas kamid ahaa weerar ay ku dhinteen in ka badan 140 arday oo wax ka baranayey Jaamacadda Gaarisa ku taala gobolka waqooyiga bari Kenya waxa uuna weerarkaasi dhacay Kenya bishii Abriil sanadkii 2015, waxa uuna kamid yahay weerarada ugu waaweyn ee Al Shabaab ay ka fuliyeen giudaha Kenya.
Dhanka kale Al Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkaas ay gaadiid kaga gubtay ciidamada Kenya islamarkaana ay tiro adrtooda kamid ah ku dhishay halka kuwo ay kuwo kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

