Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si adag u cambaareeyay weerar loo adeegsaday tiro hoobiyeyaal ah maalinimadii shalay oo talaado aheyd lagu qaaday Xarunta QM ee Muqdisho oo ku dhex taallo xerada Xalane, waxa uuna sheegay in si ula kac ah loo weeraray shaqaalaha Qaramada Midoobay.
Tiro gaareyso Toddobo hoobiye ayaa kusoo dhacay dhismaha xarunta QM ee magaalada muqdisho waxaana uu dhaawac kasoo gaaray labo kamid ah shaqaalaha QM iyo qof kale oo qandaraasle ah inkastoo uu sheegay António Guterres in dhaawacyada seddexda ruux aysan halis aheyn.
Mr. Guterres ayaa u rajeeyay dadkii dhaawaca uu kasoo gaaray weerarkaas soo kabasho deg-deg ah, waxa uuna ugu baaqay mas’uliyiinta dowladda Somalia inay baaraan weerarkaas islamarkaana ay si deg deg ah u hor keenaan kuwa mas’uulka ka ah caddaaladda.
Xoghayaha Guud ee QM waxa uu xaqiijiyay in “ficilada noocan oo kale ah aysan hoos u dhigi doonin go’aanka adag ee Qaramada Midoobay si ay u sii wadaan taageerada dadka iyo xukuumadda Soomaaliya iyo dadaalkooda ah inay dhisaan nabadda iyo xasilloonida dalka.”
Dhanka kale Nicholas Haysom oo ah Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha QM u qabilsan Somalia ayaa dhankiisa cambaareeyey weerarkan inkasto ay jirto xasarad kala dhaxeyso dowladda Somalia islamarkaana laga joojiyey dalka u haayey.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo lagu qaaday xerada xalane gaar ahaan gaar ahaan dhismaha QM.
Nicholas Haysom mar uu ka hadlayey weerarkaas waxa uu yiri “Mashruuc siyaasadeed looma adeegsan karo rabshad si ula kac ah loola bartilmaameedo shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee taageeraya xoojinta nabadda iyo hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya. ”
Saacado ka dib, waxaa hadal heynta warbaahinta qabsaday in xukuumadda Soomaaliya ay soo saartay warqad ay ugu sheegeyso Mr. Haysom inaan looga baahneyn dalka isla markaana uu dalka si dhaqsi ah uga baxo, waxaana warqadda kasoo baxday xukuumadda Somalia gaar ahaan wazaaradda arrimaha dibadda lagu sheegay inuu ninkan ku xad gudbay qawaaniinta caalamiga ah ee diblomaasiyada iyo inuu faragelin toos ah ku sameeyey hannaanka qaranka Somalia.
António Guterres oo ah xoghayaha guud ee QM ayaan wali wax war ah kasoo saarin warqaddii kasoo baxday dowladda Somalia ee lagu sheegay inuu dalka Somalia isago baxo Nicholas Haysom oo ah wakiilkiisa gaarka ah ee Somalia.

