Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Madaafiicda Lagu Weeraray Xarunta Xalane

0

Tiro Madaafiic aheyd ayaa lagu weeraray Duhurnimadii maanta Xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada Midowga Afrika AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Ilaa 6-madfac ayaa lagu weeraray Xirada,kuwaasi oo aan la ogeyn halka laga soo Tuuray iyo khasaaraha ka dhashay.

Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan Degmada Wadajir jugta Madaafiicda ayaa si weyn loogu maqlay gudaha Degmada,waxayna intooda badan ay ku dhaceyn Xarunta.

Dhanka kale Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Madaafiicda lagu weeraray Xerada Xalane

Idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay ‘in guutada Madaafiicda ee Shabaab ay maanta weerar xooggan ku beegsatay Xerada Xalane islamarkaana uu halkaas ka dhashay khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada AMISOM iyo shaqaalaha Qaramadda Midoobay ee halkaas ku sugan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka AMISOM oo loogu hadlaayo Madaafiicda lagu weeraray Xerada Xalane.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here