Madaxda SL oo Isku Khilaaftay Magacabista Ergay-ga Wada-hadalada Somaaliya iyo Somaliland

0

Maamulka Somali-land ayaa isku khilaafay Magacaabista Ergeyga Dowladda Turkey-ga ee Wada-hadaladda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somai-land.

Xildhibaan oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Somali-land ayaa sheegay in Somali-land waxba ka qabin wada-hadalka,balse ay muhiim tahay in la helo meelo kale oo Turky-ga aan aheyn.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Turky-ga dhowr jeer lagu qabtay Wada-hadalka Labadda dhinac,islamarkaana aan Natiijo laga gaarin.

Dhanka kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somali-land Liibaan Yuusuf Cusmaan oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda hargeysa ayaa sheegay in Somali-land ay soo dhaweynayso Magacaabista Ergeyga Wada-hadaladda dhinac.

Waxa uu sheegay in Muhiim ay tahay in xal laga gaaro wada-hadlada labadda dhinac oo sanado qaatay, kaasi oo soo bilowday sanadkii 2012-kii xiligaas oo Somali-land uu Maamulayay Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Danjirihii hore ee Dowladda Turkiga u joogay Somalia, Ambassador  Olgan Bekar ayaa  loo magacaabay Ergayga Khaaska ee Dowladda Turkiga ugu qaabilsan Wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo Maamulka Somaliland.

Magacaabista waxaa xaqiijiyay Danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Turkiga, Ambassador Jaamac Axmed Maxamed kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here