Wararka ka imaanaya Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Maxkamadd La’aan ay toogteen 6-ruux oo lagu eedeeyay in ay ka tisranaayeen dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
6-da ruux ayaa kamid ahaa 9-ruux oo lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomalaiya kaasi oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho u sheegay in iyagoo aan maxkamad marsiin ay raggaasi toogteen iyagoo fulinaya go’aan dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka.
- Saleebaan Maxamed Sheekh
- Maxamuud Maxamed Buule
- Maxamed Cabdi Cali.
- Maxamed Yuusuf Isaaq
- Aadan Carabeey Xalane.
- Maadeey Xaaji Macalin.

