Xildhibaanadda Cusub ee Puntland oo La Dhaariyay+Gudoomiye KMG ah oo La Doortay

0

Magaaladda Garoowe waxaa goordhaweyd lagu dhaariyay Xildhibanadda Cusub Golaha Wakiiladda Maamulka Puntland oo shalay lagu dhawaaqay.

Golaha ayaa ka kooban 66- Rag ah iyo hal Haween ah,waxaana ku jira 49 waji oo cusub,halka 17 xubnood oo kale ay ka soo laabteen Baarlamankii hore.

Xarunta Baarlamaanka maamulka Puntland ee Magaaladda garoowe oo dhaarinta ay dhacday ayaa Xildhibanadda laga dalbaday in ay kasoo dhalaalaan waxa ay u dhaarteen.

Dhanka kale Xildhibaanadda ayaa iska dhex doortay Guddoomiye KMG ah,waxaana loo doortay Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye oo ah ninka ugu da’da weyn Xildhibaanadda.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here