Qoraal kasoo baxay Wasiirka Amniga Maamulka Jubba-land Abdirashiid Xasan Nuur(Janan), ayaa xilkii looga qaaday Afhayeenkii Wasaaradda Amniga iyadoo la magacaabay Afhayeen.
Saciid Joogsade oo ahaa Afhayeenkii Wasaarada Amniga Jubba-land ayaa xilkii laga qaaday waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdinuur Ibraahim Xuseen.
Dhanka kale Wasiirka Amniga maamulka jubba-land ayaa Magacaabay Taliyaha Howlgalka Xoreynta gobolka Jubbada dhexe oo Shabaab gacanta ku hayaan.
Xilkaan ayaa loo Magacaabay Gaashaanle sare Axmed Jaamac Salaad.



