Jubba-land oo Magacowday Taliyaha Howlgalka Al-Shabaab, iyo Afhayeen Cusub

0

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Amniga Maamulka Jubba-land Abdirashiid Xasan Nuur(Janan), ayaa xilkii looga qaaday Afhayeenkii Wasaaradda Amniga iyadoo la magacaabay Afhayeen.

Saciid Joogsade oo ahaa Afhayeenkii Wasaarada Amniga Jubba-land ayaa xilkii laga qaaday waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdinuur Ibraahim Xuseen.

Dhanka kale Wasiirka Amniga maamulka jubba-land ayaa Magacaabay Taliyaha Howlgalka Xoreynta gobolka Jubbada dhexe oo Shabaab gacanta ku hayaan.

Xilkaan ayaa loo Magacaabay Gaashaanle sare Axmed Jaamac Salaad.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here