Shabaab oo Sheegay in Magaaladda Muqdisho ay Ku Dileen Cabdi Maxamed Culusow

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa Sheegatay Mas’uuliyadda dilka Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saakay lagu dilay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda.

Sida lagu baahiyay warbaahinta Shabaab, rag dhankooda ah ayaa dilay Gaashaanlle dhexe Cabdi Maxamed Culusow (Cabdi Madoobe) oo kamid ahaa Saraakiisha sarsare ee taliska ciidanka Melleteriga Dowladda Federaalka.

“Ciidamada Shabaab ayaa howlgal qorshaysan ku dilay Gaashaanlle katirsan Dowladda Soomaaliya  xili uu ku sugnaa degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Shabaab waxay sidoo kale sheegeen in ragii dilka fuliyay ay goobta ka baxsadeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here