Deg Deg:-Gudoomiye Iyo Xildhibaan Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho

0

Faah-faahino ayaa laga halayaa qaraxii Labaad ee ka dhacay Taaladda Dajirka Dahsoon Degmadda Boodheere ee Gobolka Banaadir.

Gaari lagu soo xiray wayxbaaha qaraxa ayaa la sheegay in lagu weeraray kolonyo uu la socday Maxamed Cabdulaahi Tuulax oo ah Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amaanka iyo Siyaasada gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa inoo sheegay in qaraxa uu dhaawac fudud uu kasoo gaaray Gudoomiyaha,balse ay ku dhinteen inta badan Ilaaladiisa.

Dhaawaca gudoomiye kuxigeenka dhinaca amaanka iyo siyaasada ayaa lagu daaweenayaa goob caafimaad, waxaana inta badan la waayay oo dhintay ilaaladii la socotay gaariga uu saarnaa oo la sheegay in uu ahaa nuuca aan xabaduhu karin.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qaraxii kowaad ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka uu ku dhaawacmay Xildhibaan Warsame Joodax oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah ilaaladiisa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here