Faah-faahin;-Qarax Gaari oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari lagu dhajiyay oo caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay bar kontrool oo ku taalla Isgoyska dabka,halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiil ka Tirsan Dowadda a ayaa sheegay in qaraxa uu ku xirnaa gaariga,islamarkaana ninkii waday uu goobta ka baxsaday kadib markii uu ka dagay inta uusan gaariga qarxin.

Sawirro laga soo qaaday gaariga qarxay ayaa muujinaya in burbur soo gaaray gaariga oo nuuciisa uu yahay kuwa Raaxadda PREMIO.

Inta la xaqiijiyay 1-ruux ayaa dhaawac fudud uu kasoo gaaray qaraxa ka dhacay Isgoyska Dabka ee Magaalada muqdisho,kaasi ooo lagu dabiibayo goobaha Caafimaadka.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qaraxa la doonayay in lagu khaarijiyo shaqsi Magaciisa lagu sheegay Maxamuud oo katirsan Shaqaalaha Imigration-ka, hadda waxa uu yaallaa isbitaalka Shifa maadaama.

Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, xili mudooyinkii dambe ciidamada amniga ay kordhiyeen howlgaladda lagula dagaalamayo qaraxyadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here