C/wali Gaas oo Loogu Baaqay in uu Ka Haro Doorashadda Puntland+Dhageyso

0

Siyaasi Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir Ciiro) Oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed marna soo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Musharaxnimadda mar kale  C/wali Maxamed Cali (Gaas).

Isagoo la hadlayay idaacada Simba ee Magaaladda Muqdisho ayuu sheegay in C/wali Gaas uu ku fashilmay hogaaminta Puntland sanadihii uu xilka hayay, islamarkaana hada ay haboontay in uu kursiga baneeyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Gaas uu ku fashilmay balanqaadyadiisa xiligii doorashadda,uu danaha Puntland ka doortay dano isaga u gaar ah sida uu sheegay.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay ka shaaciyay Caasimadda Puntland ee Garoowe inuu markale u taagan yahay Doorshada Madaxweynanimo ee  Puntland 2019.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here