Siyaasi Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir Ciiro) Oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed marna soo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Musharaxnimadda mar kale C/wali Maxamed Cali (Gaas).
Isagoo la hadlayay idaacada Simba ee Magaaladda Muqdisho ayuu sheegay in C/wali Gaas uu ku fashilmay hogaaminta Puntland sanadihii uu xilka hayay, islamarkaana hada ay haboontay in uu kursiga baneeyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Gaas uu ku fashilmay balanqaadyadiisa xiligii doorashadda,uu danaha Puntland ka doortay dano isaga u gaar ah sida uu sheegay.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay ka shaaciyay Caasimadda Puntland ee Garoowe inuu markale u taagan yahay Doorshada Madaxweynanimo ee Puntland 2019.

