Al-shabaab oo Xukun Dil ahaa Ku Fuliyay Sarkaal Ka Tirsanaa Dowladda Soomaaliya

0

Al-shabaab ayaa xukun dil ahaa ku fuliyay sarkaal katirsanaa Ciidamadda dowladda Federaalka oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen.

Xukunkaan ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay degmada Galboole ee dhacda galbeedka gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maamulka hir-shabeelle.

Max’med Cali Max’med oo magac dheeraa Kartoon ayay maxkamadda Shabaab ku ridday xukun dil ah wuxuuna ku eedaysnaa in uu ku dhacay Riddo(diinta la laabtay), sida ay sheegeen islamarkaana wada shaqeyn la lahaa Ciidamadda AMISOM.

Fagaaraha xukunka dilka uu ka dhacay waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne ah,iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here