Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maanta ka bilaabanaysa hadal jeedinta Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.
Ilaa Seddex Musharax oo kala ah Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Ibraahim Macalin Nuunow ayaa khudbadahooda waxqabadka ka hor jeedin doona Xildhibaanadda baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Balse waxaa hadal jeedinta aan ka qeyb gali doonin Shiikh Muqtaar roobow Cali (Abuu Mansuur), oo khamiistii laga soo afduubtay Magaaladda Baydhabo,inkastoo wax walba is badali karaan.
Dhanka kale Guddiga doorashadda KGS ayaa dhagaha ka fureystay in ay dib u dhigaan waqtiga doorashada,kadib markii Musharixii ugu saameynta badnaa xabsiga la dhigay.
Amaanka Magaaladda Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana amniga iska kaashanaya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethopia.

