Banaanbax Ka Socda Magaaladda Baydhabo Iyo Isgaarsiintii oo Hawada Laga Saaray

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in haatan ay Magaaladda ka socdaan Banaabaxyo loogu soo horjeedo Xarigii Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Banaan-baxayaasha ayaa wata Sawiradda Shiikh Muqtaar Roobow, oo ay ku dalbanayaan in lasii daayo,kadib markii Magaaladda Baydhabo ay kasoo xireen Ciidamadda Ethopia iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay gubayaan Taayaro,waxaana Magaaladda Laga Dareemayaa Xaaladda Jahwareer ah.

Dhanka kale Ciidamada booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay Xakameynayaan dadka banaanbaxa ka dhigaya Magaaladda Baydhabo.

Kadib xarigii Muqtaar Roobow, Shacabka Magaladda Baydhabo ayaa ka diidiyay arintaan,waxayna dowladda ka dalbadeen in lasii daayo wadadka si uu ugu qeyb qaato doorashadda 19-ka bishaan ka dhacay Magaaladda Baydhabo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here