Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan waddanka Somalia ahna madaxa howgalka Amison Ambassador Farancisco Madeira ayaa si diiran kaga hadlay dhacdooyinka ka dhacaya Magaalada Baydhabo ee ka dhashay xariga Sh. Mukhtaar Roobow Cali “Abu Mansuur”.
Ambassador Madeira ayaa dadweynaha Baydhabo ku wargeliyey in Amisom aysan ku lug laheyn islamarkaana aysan qeyb ka aheyn xariga Shiikh Mukhtaar Roobow Cali “Abu Mansuur” oo khamiistii laga soo dajiyey magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in Amisom ay sii wadi doonto tixgelinta dadaweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed islamarkaana ay sii wadi doonan shaqadooda Somalia iyada oo uu waqtigoodu dhamaad yahay.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay ka murugoonayaan rabshadaha baydhabo dadka ku wax yeeloobay, waxa uuna u tacsiyeeyay dadka naftooda ku waayey rabshadaha Baydhabo halka uu sidoo kale soo kabasho deg deg ah u rajeeyey dadka ay dhaawacyadu soo gaareen.

