Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa ka laabtay dacwad uu u gudbiyay dhawaan Maxkamadda Sare ee Puntland taasi oo ka dhan aheyd Madaxweynaha puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas).
Dacwadan oo saaka lagu wadey inay ka furranto maxkmadda sare fadhigeeda magaaladda Garowe ayey wararku xaqiijinayaan inay baaqatay kadib markii uu Madaxweyne Ku-xigeenku la laabtay dacwadii uu u gudbiyey maxkamada sare.


