Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay duqeyn diyaaradaheeda ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay In duqeynta ay ka dhacday deegaanka Basra ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeynta oo isdifaac aheyd lagu dilay 4-dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab,sidoo kalana lagu soo qabtay horjooge ka Tirsan Shabaab.

