Maxaa Ka jira in Somali-land Qaraxyo Laga Soo Abaabulaayo?

0

Maamulka Somali-land ayaa jawaab culus ka bixiyay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Dowladd Deegaanka Soomaalida Ethopia Mustafa Cagjar oo ku aadanaa In Somali-land laga soo abaabulayo qaraxyo ka dhaca Dowladd Deegaanka,madaama ay ku sugan yihiin rag ka Tirsanaa Maamulkii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo la hadlay warbaahinta Somaliland ayaa sheegay in wararkaas ay waxba kama jiran ay yihiin.

“Somaliland caalamka oo dhami waa uu u war hayaa oo waa la’la socdaa xaaladeeda meel ay argagixiso ka jirto maaha cida ugu weyn ee la dagaalantay ee ka saartay dalkeeda ee 27 sanadood maalin ayay wax ka dhaceen inta la og yahay caalamkuna waa uu la socdaa markaas qofkii arimahaas ka hadlaa waa qof ujeedo kale leh ama ay si kale ka noqotay”, ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Faratoon.

Maamulka Somali-lan ayaa xiriir wanaagsan la lahaa Maamulkii Xilka Laga Tuuray Cabdi Maxamuud Cumar,wuxuuna maamulka Cusub bilaabay in uu hakiyay Wadashaqeyntii labadda dhinac.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here