War Deg Deg:-Ganacsade Cumar Macow oo Goordhaweyd La Dilay

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd waxa ay Nin Ganacsade ahaa  ku dileen deegaanka Ceelasha Biyaha ee dhanka Koonfureed Magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa idaacadda Simba u sheegay in dilka uu ka dhacay wadada Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha,islamarkaana Marxuumka lagu toogtay goobtiisa Ganacsiga.

Ala Ha u Naxariistee Ganacsadaha la dilay aaya lagu magacaabi jirey Cumar Macow,lamina oga sababta ilaa haatan loo dilay.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamadda amaanak Dowladda federaalka Soomaaliya,waxaana socda baaritaano.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here