Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhagaxaan dhigay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan halkii ay ku kala leexan jireen gaadiidka rayidka iyo kuwa kale ee wadadaasi isticmaala.
Sababta ayaa lagu sheegay Ciriiriga ka jirta laamiga Isgoyska Zoobe, taasi oo xilliyada qaar keenta in saacado badan gaadiidka ay isku xanibmaan.
Tusaale gaadiidkii u leexan jiray dhanka Buulo Xuubey ee aadi jiray Madiina, waxaa u furan oo kaliya Wasaaradda Arrimaha dibadda horteeda inay ka soo leexdaan ama Laami yaraha Zoobe ay ka leexdaan.
Talaabadaan uu qaaday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dad qaar waa ay ku dhaliileen,halka dadka qaar ay soo dhaweeyeen Talaabadda uuq aaday maamulka.

