Qarax xooganaa ayaa Caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Jugta qaraxaan ayaa laga maqlay gudaha Warshadda Taraqa iyo Sigaarka dhanka Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir xigta.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal qaraxa ayaa lagu xiray gaari uu leeyahay Sarkaal ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,wuxuuna ka dhacay guri uu daganaa hortiisa xili uu ka dagay.
Waxaa la xaqiijiyay in uu geysanin khasaare dhimasho iyo dhaawac balse uu sababay in uu gubto gurigii uu lahaa Sarkaalka ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,kaasi oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Ibraahim Maxamuud (Qanjir).
Goobta uu qaraxa ka dhacay waxa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,waxana socda baaritaano.

