Akhriso:-Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Kaawa Godey.

Jugta qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay Xaafadaha Magaaladda,waxaana la sheegay in uu geytay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ahaa oo ku ganacsanayay Suuqa Kaluunka lagu iibiyo oo dhawaan qarax uu ka dhacay.

Inta uusan qaraxa dhicin ayaa la sheegay in Ciidamadda Booliska ay ka shakiyeen gaariga qarxay, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Darawalkii waday,inkastoo uu isku dayay in uu ka baxsado gacanta Hay’adaha amniga.

Intii ay gacanta ku hayeen Ciidamadda ninka waday gaariga ayuu qarxay,waxaana ka dhashay khasare dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 8-qof ayaa ku dhimatay halka ay ku dhaawacmeen 18-kale, sida ay xaqiijiyeen Laamaha Caafimaadka  Magaaladda Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here