Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey Saraakiil sar sare oo ka socota Wasaaradda Difaaca Ingiriiska oo hoggaaminayo Gen John Lorimer.
Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa Xubnaha ka socday dowlada wadanka ingiriiska kulan kula qaatay safaarada dowlada ingiriiska ay ku leedahay Magaalada Muqdisho isagoona kala hadlay saraakiisha dowlada ingiriiska sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka lagula jiro al-shabaab, iyo kooxaha kale,
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada wadanka ingiriiska ay qeyb ka tahay dowladaha inta badan soomaliya ka Taageera dhanka dhisida ciidanka iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada,
Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo ay goob-joog ahayd Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya iyo Diplumasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda.




