Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in xiriirkii iyo Wadashaqeyntii ay u jareen Jubba-land, kadib markii ay ku guuldareysteen sida ay sheegeen wax u qabashadda Shacabka Gobolka.
Gudoomiye Ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Gedo C/laahi Shiikh Xuseen Maxamed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa eedeemo culus u jeediyay Madaxda Maamulka Jubba-land uu ugu horeeyo Maaxweyne Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay hakiyeen dhamaan Wada-shaqayntii ay lala haayeen Maamulka Jubba-land, isagoona sheegay in shaqsi katirsan maamulka uusan kasoo dagi Karin Magaalooyinka Gobolka Gedo.
Arintaan ayaa imaanaysa Xili Todobaadkaan Gudihiisa magaaladda Garba-haarey ee Gobolka Gedo uu ka dhacay Banaanbax loogu soo horjeeday Maamulka Axmed Madoobe.

