Maxaa Jira in Dhaqaalihii Laga Jaray Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

0
Cusubyo katirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed

Mid kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa walaac ka muujiyay in dhaqaalaha laga jaro Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xildhibaan C/laahi Carab oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Niyad jab ay tahay in mushaarka laga jaro Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed,kuwaasi oo dagaal kula jira dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay nasiib darro ay tahay in la yareeyo mushaarka ay qaataan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwo daruufo kala duwan ay ku shaqeeyaaan.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumdda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa shalay sheegay Xildhibanadda hortooda in dowladihii bixin jiray Mushaaraadka Ciiidamdda Dowladda ay jarteen,islamarkaana dowladda Dhexe ay arintaan dhaxda u xiratay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here