Ciidamadda Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Degmadda Waabari ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degmadda,Ciidamadda ayaa howlgalkooda waxa uu ahaa mid ay ku baarayeen guryaha iyo gaadiidka,waxaana inta uu howlgalka socday gacanta lagu dhigay dad aad u fara badan oo lagu tuhmaayo falalka amnidaro.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga Degmadda.
Howlgalkaan ayaa imaanaya xili shalay Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir lagu dilay Wiil lagu magacaabi jirey Deeqow, kaasoo ahaa Xoghayaha Waaxda Horseed ee Degmadda Waabari,waxaana dilkiisa geystay labo nin oo hubeysnaa.

