Ciidamada Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Howlgal waxa ay ka sameeyeen duleedka Muqdisho, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay ay kusoo bateen dilalka iyo qaraxyadda ay geysteen Xarakadda Al-shabaab.
Howlgalka ayaa laga sameeyay deegaanada KM13 iyo Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, wuxuuna howlgalka ahaa mid lagu baarayay guri walba.
Intuu howlgalka socday Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay dad aad u fara badan oo lagu tuhmaayo falalka amniga lidiga ku ah.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Booliska oo ku aadan howlgalka xalay laga sameeyay deegaano dhaca duleedka Muqdisho.

