Dagaalyahano Ka Tirsan Shabaab oo Weeraray Gaari ay Leedahay Hey’adda ICRC

0

Gaari ay leedahay Hey’adda ICRC ayaa koox hubeysan waxa ay ku weerareen Magaalada Garissa waxaana dhaawac xun uu soo gaaray Haweeney kamid ah dadkii la socday garigaas.

Haweyneyda ku dhawacantay weerarkaas waxaa jirkeeda laga soo saaray seddex xabadood waxaana weerarkaas oo lagu tuhunsan yahay Al Shabaab ka badbaaday seddex qof oo gaariga la saarnaa haweyneyda uu dhaawaca soo gaaray.

Gaarigan ay leedahay ICRC waxaa weeraray in kabadan 10 nin oo hubeysan sida uu qoray wargeyska The Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, waxaana xilliga weerarka ay saraakiisa hey’adda u socdeen Ijara oo ka socday qeybinta lacago Cash ah.

“Waxan ku suganahay isbitalka Masalani. Dhaqaatiirta waxa ay ku howlan yihiin iyada, waxa ayna ku sugan tahay degan. Waxan qorsheyneynaa inan u wareejino Malindi si daaweyn qaas ah ay uga hesho halkaas.” Sidaas waxa yiri mid kamid masuuliyiinta Garissa oo lagu magacaabo Abdirashid Mohamed.

Ruqa iyo Ijara ayaa waxa ay u dhow yihiin keynta Boni halkaasoo ay ku xoogan yihiin xoogaga Al Shabaab oo ka dagaalama waddamada deriska ah ee Somalia iyo Kenya.

Laba bilood kahor goobta uu weerarkan ka dhacay waxaa lagu dilay laba qof kadib markii la weeraray bus ay saarnaayeen oo marayey halkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here