Wararka ka imaanaya Duleedka Magaaladda Muqdisho ayaa ku waramaya in Kooxo hubeysnaa ay deegaanka Weydoow ku toogteen Labo askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, Rag hubeysnaa ayaa askarta toogatay xili ay wateen gaari yar,waxayna ku dhinteen isla goobta.
Labada askari ee la dilay, ayaa la sheegayaa in mid kamid ah inuu watay dharka Militariga, halka midka kalena uu watay dhar caadi ah, balse uu watay qori.
Dhanka kale Maamulka Deegaanka Garasbaaley ayaa sheegay in kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen,islamarkaana goobta laga qaaday meydadka askarta ka tirsaneyd Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda dilka ,balse waxaa dilalka noocaan oo kala ah geysta dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

