Xarakadda Al-shabaab ayaa shaacisay Tiradda dadkii ay ku dileen Qaraxyadii shalay ay ku weerareen Hoteelka Saxafi ee Magaaladda Muqdisho.
Weerarka ayaa ku bilowday weerar isqarxin ah, kadibna waxaa xigay weerar toos ah oo Ciidamada Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka, waxaana in muddo ah uu dagaal xoogan ka socday gudaha Hotelka Saxafi.
War rasmi ah oo ay ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 24 ruux oo ay ku jiraan Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya,islamarkaana lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.
Sidoo kale shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa lagu dilay C/rashiid Il-qeybte oo sanadkii hore Aabihii bishaan oo kale lagu dilay weerar Hoteelka lagu qaaday.
Sidoo kale xubnihii halkaas lagu dhaawacay waxaa kamid ah Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Bahlaawi.

