Dowaldda oo Shacabka Ka Codsatay La Dagaallanka Xarakadda Al-Shabaab

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Qaraxyadii shalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Sooomaaliya, kuwaasi oo ay geysteen dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka Al-Shabaab.

Aadan Isaaq oo ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Al-Shbaab ku qaadeen Hotelka Saxafi ayaa sheegay inay cambaareynayaan ficilka naflacaariga ah ee ay geysteen Al-Shabaab.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen laamaha amaanka, waxaan mar labaad iyo mar saddexaad waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay banaanka u soo baxaan, ee aan la sii fiirsan Nolol la dirirka ah Shabaab, ee diidan in qof Soomaaliyeed uu noolaado,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Qaraxyadda shalay lagu weeraray Hoteelka Saxafi ee Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa sheegtay dagaalyahanaddda Xarakadda Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here