Akhriso:-Tirada Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho oo Korortay!!!

0

Waxaa korortay tiradda dadkii waxyeeladda ay kasoo gaartay qaraxyadii Seddexda ahaa ee shalay galab lagu weeraray Hoteelka Saxafi ee Magaaladda Muqdisho.

Laamaha caafimaadka ayaa markii hore sheegay in qaraxyadda ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 30-ruux, balse tiradda ayaa korortay xalay, waxaa haatan la sheegay in dhaawaca uu gaarayo 106-qof oo isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin Dowladeed.

Isbitaalada Muqdisho ayaa xalay la gaarsiiyay 106 qof oo dhaawaca qaba, isbitaaladda dhaawacyada la gaarsiiyay ayaa kala ah Digfeer 42 dhaawac ah, Daarul shifa 26 dhaawac ah. Madiina 24 dhawac  Mogdisho city 1 dhawac Shaafi 2 dhawac  Soomaali Sudanes 11 dhaawac.

Dhanka kale Hay’adaha amniga oo ka hadlay qaraxyadda lagu weeraray Hoteelka ayaa sheegay in la toogtay 6-ruux oo ka Tirsanaa Shabaab kuwaasi oo Hoteelka soo weeraray.

Al-shabaab oo sheegtay qaraxyadda waxa ay warbaahintooda ku baahiyeen in ay dileen ku dhawaad 20-ruux oo isugu jiray Mas’uuliyiin Dowladeeda iyo Saraaakiil ciidan.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here