Waxaa hakad ku jira mudooyinkii danbe shaqada taliska Booliska Magaalada baraawe ee caasimada rasmiga maamu gobaleedka koofur galbeed Soomaaliya.
Maamulka degmada Baraawe ayaa qabta shaqadii uu lahaa taliska Booliska magaalada, maadaama ciidamadii hore ee booliska degmadaasi ka howlgali jiray la kala eryay, markii uu xilka wareejiyay maamulkii hore ee degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha hoose.
Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga Siyaasadda Baraawe Maxamed Muuse Cali oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Simba ee magaalada muqdisho ayaa ka hadlay cida hada qabata shaqadii taliska booliska degmada, oo dadka deegaanka Simba ay u sheegeen inuu hakad ku jiro waayadaan dambe.
Mudane Maxamed Muuse Cali Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga Siyaasadda Baraawe ayaa sido kale sheegay hada shaqadii Taliska Booliska iyo dacwadaha dadweynaha magaalada in uu qabto Gudoomiyaha Baraawe C/difataax Sandheere, loona baahan yahay in la shaqa galiyo taliska degmada.

