Dowladda Oo Baaq Kasoo Saartay Kadib 3 Qarax Oo Ka Dhacday Muqdisho

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka Xarakada Al-Shabaab.

Mudane Aadan Isaaq oo ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Xoogaga Al Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Saxafi ayaa sheegay inay cambaareynayaan ficilka qaraxyada ah ee Al shabaab ay ka fuliyeen Muqdisho.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen laamaha amaanka, waxaan mar labaad iyo mar saddexaad waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay banaanka u soo baxaan, ee aan la sii fiirsan Al shabaab ee diidan in qof Soomaaliyeed uu noolaado,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here