Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa khasaarihii maaanta ka dhashay qaraxyo lagu Weeraray Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Magacyada dadka ku dhintay iyo ku dhaawacmay.
Agaasimihi hore ee Wasaarada Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cabdirisaq Bahlaawi Dhaawac.
Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Cabdifataax Bashiir Cali ayaa kamid ah dadka ku dhaawacmay.
Dhimasho C/difitaax Cabdirashiid Shire Ilqeyte oo uu dhalay Marxuum Ilqeyte oo 3 Sano kahor Lagu dilay weerar sidan oo kale oo lagu qaaday Hotel Saxafi.
Dhanka kale dadka ku dhintay Weerarka ayaa gaaraya ilaa 24 ruux, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowladda Somaaliya.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan waxayna xaqiijisay in ay beegsatay Hotelka Saxafi oo ay daganyihiin xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, saraakiil amni iyo mas’uuliyiin ka tirsan DFS, sida lagu cadeeyay warka lagu baahiyay Warbaahinta Al Shabaab.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Aadan Isaaq oo ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Xoogaga Al Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Saxafi ayaa sheegay inay cambaareynayaan ficilka qaraxyada ah ee Al shabaab ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho.

