Maamulka Jubbalad ayaa soo qaban qaabiyay kulan wada shaqeyn ahaa oo dhax maray wasaaradda caddaaladda, garsoorka iyo arrimaha diinta iyo culima’udiinka ku dhaqan deegaanada Jubbaland
Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda caddaaladda Jubbaland, waxaana ka qeyb galay kulanka ku-xigeenkiisa Dr. Aadan Iinshaar Cumar iyo Culima’udiinka magaalada Kismaayo.
Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda caddaaladda, garsoorka iyo arrimaha diinta Jubbaland Aadan Iinshaar Cumar ayaa culimada kula dardaarmay in ay bulshada ka wacyigeliyaan ka fogaanshaha ficilada diinta lagu xumaynaayo ee ay caadeysteen Xarakada Al shabaab, sida uu sheegay Wasiir Aadan Iinshaar.
Wasiirka caddaaladda, garsoorka iyo arrimaha diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar ayaa culimada kula dardaarmay in ay si midaysan ula shaqeeyaan wasaaradda islamarkaana ugu adeegaan bulshada.




