War Deg Deg:-Shariif Xasan oo Xilkii Iska Casilay

0

Madaxweynihii Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa goordhaweyd shaaciyay in uu iska casilay Xilkii Madaxweynaha maamulkaas.

Shariifka ayaa sidoo kale sheegay in uu ka haray tartankii doorashada Madaxweynaha Maamulkaas taasoo dhici doonta 17-ka bishaan.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa si KMG ah xilka madaxweynaha usii hayn doona, waxaana la filayaa in doorashada Koonfur Galbeed ay ku dhacdo waqtigii loogu talo-galay.

Goobta uu ku shaaciyay iscasiladii waxaa ku sugnaa wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Mas’uuliyiin kale.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here