Madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan,ayaa la filayaa in uu gelinka dambe ee Maanta uu ka dego xilka Madaxtinimo ee mamulkaasi, si xal waara loogu helo Guuxa siyaasadeed ee maal mahii ugu danbeeyay ka taagnaa gudaha magaalada Baydhabo.
War hoose oo Idaacada Simba ay heshay ayaa sheegaya in wariyaasha Baydhabo loogu yeeray xarunta Madaxtooyada Magaaladaasi, maadaama ilo xog ogaal ah ay sheegayaan in shariif xasan uu gaaray go’aan sayaasadeed oo ah in uu ka haro tartanka doorashada Koofur Galbeed,waxa uuna ka dalbay xoghaynada in aysan jirin wax kalamo ah oo uu la qaadanayo dad ama qaabilaad siyaasadeed.
Wasiirka Arimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye ayaa dhanka kale gaaray magaalada Baydhabo, kaasi oo ka qeyb qaadanaya ama kulamo gaar gaar ah la leh, madaxda maamul gobaleedka Koofur galbeed Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa lagu arkayaa gudaha magaalada Baydhabo ciidamo xoogan oo heegan ugu jira sugida amaanka magaalada, oo maal mahii danbe la ciir ciireysay is faham waaa la xiriira doorshada maamulka.
Abaaro 4:00 Galabnimo ayaa la filayaa in uu qabto shir jaraa’id uu ku cadeynayo jiritaanka warkan hor dhaca ah ee sheegaya in uu ka haray Tartanka Doorashada madaxtinimo Koofur Galbeed.

