Wararka naga soo gaaraya Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in Banaanbax uu halkaas ka socdo.
Banaanbaxa ayaa ka socda inta u dhaxeysa Isgoysyada Sos iyo Ex-koontorool Balcad,waxaana loogu soo horjeedaa Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM oo saakay dad shacab ahaa ku laayay Degmadda Heliwaa.
Ciidamada AMISOM ayaa saakay bareer ah waxa ay u toogteen 4-ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka,kadib markii qarax iyo weerar ay kala kulmeen Ciidamadda ka tirsan Xarakadda Al-shabaab.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ku dhawaaqaya Erayo ay ka mid yihiin Amisom doonimeyno,iyaga oo wadada ku xiray dhagxaan iyo Taayaro.




