War Deg Deg:-Qarax AMISOM Lagula Eegtay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax dhulka lagu aasay oo Ciidamo ka Tirsan kuwa midowga Afrika AMISOM Lagula eegtay isgoyska Ex-kontorool  Balacad Ee Magaaladda Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay Xaafadaha ku dhow dhow isgoyska,wuxuuna dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Mid kamid ah dadkii ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa idaacadda Simba u sheegay in qaraxa uu haleelay mid kamid ah Gawaaridda Ciidamada AMISOM,islamarkaana aan la ogaan Karin khasaaraha soo gaaray Ciidamada AMISOM.

Qaraxa kadib Ciidamdda AMISOM ayaa furay rasaas dhalisay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 2-wiil dhalinyaro ahaa ayaa ku dhimatay Rasaasta Ciidamadda AMISOM, iyo Dameer sida uu inoo sheegay goob-joogaha goobta ku sugnaa.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in rag ka tirsan shabaab ay jidka u galeen Ciidamada AMISOM Sidaasna uu qaraxa ku dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here