Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in kooxo hubeysna ay xalay guri ku yaala Magaaladaas ku dhex dileen Haweeney.
Dilkaan ayaa ka dhacay xaafadda Ceelka Cabdi Shire ee dhanka Bari Magaalada Baydhabo.
Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Caatika Ibraahin,waxayna kamid aheyd bulshadda ku nool Magaaladda Baydhabo.
Sarakiisha Ciidamadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ragg hubeysnaa ay guriga ugu galeyn xalay, islamarkaana ay toogteen.
Warar soo baxaya aaya sheegaya in Haweeneyda la dilay ay u dhaxaysay Sarkaal ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab,islamarkaana mudooyinkii dambe uu jirey khilaaf u dhaxeeyay kaasi oo salka ku hayay fariin ay dalbatay haweeneyda.
Howlgal saakay laga sameeyay magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa lagu soo qabtay nin la sheegay in uu wax ka ogaa dilkii xalay loo geystay Caatika Ibraahin.

