Farmajo iyo RW Kheyre oo La Sheegay in ay Burinayaa Galmudug iyo Koonfur Galbeed+Dhageyso

0

Siyaasi Cabdi Barre Jibriil oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed marna soo noqday Xildhibaan ayaa dhaliil u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed C/laahi (Farmaajo), iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

Isagoo la hadlayay Barnaamijka Bartilmaameedka idaacadda Simba ayuu sheegay in Labadda mas’uul ay ka qeyb qaadanayaan khilaafka iyo burinta maamuladda Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Xildhibaano iyo Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay ku sugan yihiin Magaaladda Baydhabo,islamarkaana ay qeyb ka yihiin dhibaatooyinka lagu hayo Maamulka koonfur galbeed Somaaliyeed oo dhawaan la dooranaya Madaxweyne.

Dhanka kale Siyaasi Cabdi Barre Jibriil ayaa sheegay In Madaxweynaha, iyo Raisulwasaaraha aysan laheyn la taliyayaal wanaagsan,kuwaasi oo fahamsiin kara dhibaatooyinka ka jira labadda Maamul ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here