Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay Ciidamo ka Tirsan Kuwa Ethopia.
Qaraxaan ayaa saakay aroortii ka dhacay deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 20Km ujira magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.
Jugta qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay Xaafadaha Deegaanka Ceel-gaal waxaana lala eegtay mid kamid ah Gaadiidka dagaalka Ciidamadda Ethopia ee loo yaqaano Uuraal.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka qaraxa ayaa khasaare dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyay Ciidamadda Ethopia ee gaariga la socday.
Qaraxa kadib ayay ciidamada Itoobiya waxay rasaas ku fureen wadada hareeraheeda balse illaa iyo hadda lamasoo sheegin wax khasaare ah.
Al-shaabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lala eegtay Ciidamadda Ethopia ee kamidka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
“30 askari oo ethopiyaan ahaa ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax lagula eegtay deegaanka Ceel gaal, kolonyada qaraxa lala helay ayaa ka baxday magaalada Baladweyne waxayna kusii jeedday dhanka Itoobiya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

