Maamulka Gobolka Banaadir ee dowlada soomaliya ayaa ku dhawaaqay holwgal ka dhanka xarakada al-shabaab oo laga sameynayo qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir maalmaha soo socda,
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahiinta la Hadlay ayaa sheegay in dhawaan uu bilaawan doono Howlgalka ka dhanka ah al-shabaab oo laga sameynayo qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir,
Mudane C/fitaax Cumar Xalane waxa uu sheegay in Howlgalka loogu talagalay in lagula dagaalamo raga ka Tirsan al-shabaab oo ku sugan qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxa uu sidoo kale hadalkiisa ku daray in ay ka gacan siin doonaan Howlgaladaas ciidamada boooliska dowlada soomaliya iyo kuwa Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya,
Maalmihii dambe qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa ka dhacayay weeraro iyo qaraxyo ay fulinayeen rag ka Tirsan xarakada al-shabaab,

