Madaxweyne Farmaajo oo Kulan La Qaatay Waziirka Arrimaha Dibadda Qatar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal-ka Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo ayaa kulan la qaatay waziirka arrimaha dibadda ee dalka Qatar Sultan bin Saad Al Muraikhi.

Horaantii kulanka waziirka arrimaha dibadda ee Qatar oo wakiil ka ahaa amiirka dalkaas Amir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa salaam ka timid amiirka soo gaarsiiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal-ka Somalia iyo in amiirku uu dalka iyo dadka Somaliyeed u rajeynayo horumar iyo barwaaqo ka badan tan hadda ka jirta Somalia.

Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo ayaa dhinaciisa ku amaanay waziirka arrimaha dibadda ee Qatar sida wanagsan ee uu usoo gaarsiiyey salaanta amiirka waddankaas Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani waxa uuna madaxweyne farmaajo dhinaciisa sheegay inuu farxad, caafimaad, horumar, iyo barwaaqo u rajeeynayo shacabka reer Qatar.

Intii uu socday kulankan labada dhinac waxay ka wada hadleen xiriirka labada waddan ee Somalia iyo Qatar iyo sidoo kale qor u qaadida dhinacyo badan oo quseeya xiriirka labada waddan.

Gabagabadii kulanka madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo ayaa kaga mahad celiyey dowladda Qatar dadaalada ay ku bixineyso taageerada dadka iyo dowladda somaiyeed.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here