Muwaadin Soomaaliyeed oo Ku Lug Lahaa Tahriibinta oo Lagu Xiray Dalka Tanzania

0

Police-ka gobolka Tanga ee waddanka Tanzania ayaa gacanta ku haya saddex qof kuwaasoo ku lug lahaa tahriibinta muhaajiriin si sharci darro ah ku socdo oo ay tiradoodu gaareyso ilaa 30 qof  kuna sii jeeday magaalada  Dares Salaam iyagoo ku sufraya BUS ay leedahay shirkadda RATCO.

Taliyaha police-ka gobolka Tanga Edward Bukombe ayaa sii daayey warbixintan xilli uu shir jaraa’id ku qabanayeyxafiiskiisa waxa uuna sheegay in eedeysanayaashu ay kasoo qabteen police-ka 25-kii bishan October qeybo kal duwan oo ka tirsan magaalda, halka muhaajiriinta sida sharci darada ah ku socday na la xiray 20-kii bishan October iyagoo ku safrayey Bus ay leedahay shirkadda RATCO  oo marayey waddada Mkwakwani kuna sii jeeday magaalada Dar es salaam.

Edward Bukombe ayaa sidoo kale sheegay magacyada eedeysanayaasha inay kala yihiin Yahaya Mohamed oo ah 30 jir kasoo jeeda waddanka Somalia, Mussa Ramadhani alias ‘Ngosha’ oo ah 35 jir iyo Erick Chomba oo isna ah 50 jir dagan xaafadda Mkanyageni oo ka tirsan degmada Muheza.

Waxa uu sidoo kale sheegay taliyaha in police-ku ay qaadeen howlgalkan kadib markii ay heleen xog la isku halleyn karo oo ay ka heleen dadka reer  Samariya ah kuwaasoo kusoo wargeliyey in muhaajiriin si sharci darro ah ku socoto ay ku wajahan yihiin Dar es Salaam.

Edward Bukombe ayaa ka dhawaajiyey in muhaajiriintan sida sharci darrada ah ku socoto ay ka kala yimaadeen dalalka Kenya, Ethiopia iyo Somalia.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here